Mudanayaasha baarlaamanka Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya miisaaniyadda ay dowladda Soomaaliya ku shaqeynayso saddexda bilood ee soo socota, taasoo ka doodisteeda dib loo dhigay toddobaadkii hore.
Xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan ayaa u sheegay saxaafadda in xildhibaannadu ay dhageysan doonaan maanta warbixin ay soo diyaariyeen guddi loo saaray inay kasoo baaraan-dagaan miisaaniyadda, iyadoo markaas kaddibna ay xildhibaannadu aragtiyadooda ka dhiiban doonaan sida ay u arkaan miinaasiyadda.
Miisaaniyaddan oo gaaraysa in ka badan 37 milyan oo doolarka Mareykanka ah ayaa waxaa la sheegay in dowladdu ay ku shaqeynayso saddexda bilood ee sannadkan ka harsan, kuwaasoo ay ku jirto bishan dhamaadka ah ee Oktoobar.
Ajandahan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee baarlamaanka Soomaaliya uu ka doodo codna u qaado, marka laga reebo ansixintii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Daafeet.Com