Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa maanta ka hadley dhacdadii shaley ey dadka badani ku wax yeeloobeen taasoo eheyd madfac ku habsadey gaari marayey inta u dhexeysa Leego iyo Yaaq Bariweyne cabdulkhadir ayaa sheegey iney arintan eheyn mid aad looga noxo.
Wuxuu sheegay in gaariga uu madfaca ku dul dhacay uu soo galay xilli uu halkaasi dagaal ka socday islamarkaana uu ku dul habsaday mid kamid ah madaafiicda halkaasi la isku weeydaarsanaye.
Gudoomiyaha ayaa waxaa kaloo uu carabka ku adkeeyey inay wax u qabanayaan dadkii ay dhibaatada kasoo gaartay madfac shalay gaariga ay saarnaayeen ku dul dhacay.
Asagoo intaasi ku darey in shacabka looga baahan yahay inaysan soo dhexgalin goobaha dagaalka uu ka socdo islamarkaana ay ka fogaadaan halkaasi si aysan dhibaato uga soo gaarin.
Daafeet.Com