Shabaab dhulka malaga xoreeyay mise waa laga xoraystay?

0
211

Tani waa su’aal inta badan shacabka kunool gobolada iyo goobaha laga xoreeyay Shabaab ay isweydiinayeen wixii ka danbeeyay ka xoraynta deegaanadooda Xarakada….Waxaa in badan saxaafada gudaha iyo dibaduba ay wax ka qoreen guulaha la taaban karo ee ay ciidamada reer Afrika ee AMISOM ay ka gaareen dagaaladii ay la galeen Xarakada Shabaab kuwaasi oo runtii suura gal noqon lahayn inay guulahan degdega ahi ka gaaraan dagaaladan hadii aan garab buuxda ka helin dadka degan deegaanadaas.

Hadaba kol hadii ay arimuhu sidaa yihiin dadkii deegaanka lahaa ee u dhashay ma heleen xuquuqdii maamul ee ay ku lahaayeen gudaha dhulkooda jawaabtuna waa mid iska cad oo og waliba cid kasta oo ka warhayso waxa ka socda gudaha dalka Soomaaliya waana MAYA.

Akhristaha qiimiga iyo qaayahaba lahow ila akhri oo si gaar ahna ugu fiirso maamulka Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Dowladii Fedraalka KMG ahayd ee Soomaaliya Cabdisamad Macalin Maxamuud u soo magacaabay degmada Afgooye isla markaana ogolaansho uga helay Madaxweynihii hore ee DFKMG Shariif Sheekh Axmed,

Degmada Afgooye ayaa maanta waxay inoo noqon doontaa degmada ugu horeeysa ee aan ku daah furi doono kuna soo bandhigi doono maamul u samaynta dowladii hore u samaysay gobolada iyo goobaha laga xoreeyay Shabaab.

Maqaalkaan oo noqon doona mid joogta ah ilaa aan ka wada dhaqayno soo bandhigista maamulada ay dowladii hore ee Labada Shariif ay u sameeyeen iyo kuwa maanta laga sugaayo Dowlada cusub ee Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya inay u samayso guud ahaan dalka.

Inta aanan soo bandhigin shaxda maamulka degmada Afgooye u sameeyay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Dowladii Fedraalka KMG ahayd ee Soomaaliya Cabdisamad Macalin Maxamuud oo loogu naaneeso(Cabdi Sanam) oo kasoo jeeda Jufada Ceer ee beesha Habargidir ayaa wax yar waxaan ka ifin doonaa degmada Afgooye,

Taariikhda degmada Afgooye waxaa loo celiyaa inay jirtay ka hor intii boqortooyadii Geledi ayan xarun ka dhigan ka hor 18 qarni wixii ka danbeeyayna waxay ahayd degmo leh guud ahaan maamuuska iyo maamulka degmo-nimo iyadoo intaasi u dheerayd khayraadka ILLAAH ku manaystay iyo weliba Istaraatiijiyada goobta ay ku taal intubana waxay keenee in indho gaar ah ay ku soo wada eegaan beelaha Soomaaliyeed intooda badan kadib xoriyadii la helay 60kii iyadoo aan taasina u markhaati gashanaayo in aanu jirin ruux Madaxweyne Soomaaliya ka noqday oo aan beer ka xoogin dadka dhulka lahaa iyadoo qaar ka mid ah madaxweynayaashii dalkana kaba iibiyay dhul beereedka degmada Boqoro iyo kaligood taliyayaal wadamo kale ka taliya.

Degmada Afgooye ka hor dagaalka sokeeye waxay ahayd degmada labaad ee ugu dadka badan ka dib Muqdisho waxayna taasi keentay in dowladii kacaanka ay u samaysato maamul beeleed hormuud ka ahayd beesha madaxweynaha xiligaas Siyaad Bare kolkii burburka la galayna waxaa taasi bedeshay beesha Habargidir oo iyadu isula muuqatay mid dalka koonfureed ka xoraysatay beeshii madaxweyne Siyaad ee Mariixaan waxayna taasi keentay in dadka dhulka lihi si loo boobo inay Habargidiri u soo gashato shaar kasta xitaa kan Diinta si ay u sharciyaystaan boobkooda.

Laakiin dhaqar dhamaanteeda waxay dib ugu noqonaysaa dhaqar qabayaasha.

Waa kan hadaba liiska maamulka degmada Afgooye ee hada jira ee shaqada haya

1- Gudoomiyaha Degmada C/lahi Cabdi Axmad (iideey) Geledi/Digil

2- G/kuxigenka Nabadgelyada & Siyaasada Mahdi Wacdaan, Hawiye

3- G/kuxigeenka Arr. Bulshada Cabdi Ileys (Murusade, Hawiye)

4- Gudoomiyaha Samafalka Degmada C/lahi Max’ud Magan Ceyr, H/g, Hawiye

5- Xisaabiyaha Degmada Daqarre waa Duduble, Hawiye

6- Agaasimaha Canshuuraha Bashiir Ceyr, H/g, Hawiye

7- Taliyaha Saldhiga Gaashaanle Ibrahim Diini Isaaq, Geledi/Digil

8- Taliyaha Nabadsugida Khaliif Max’ed Kaahiye Ceyr, H/g, Hawiye

9- Taliyaha Taraafikada isna waa nin Ceyr ah Hawiye

10- Maamulaha Isbaarada Baar-Ismaaciil ee Deg. Afgoye Warsame Maxamud Siyaad oo loo yaqaano Jinni habargidir,Cayr Hawiye

11- Taliyaha Ciidanka Deegaanka C/lahi Toogane, Murusade, Hawiye

12- Madaxa Qandaraasyada Degmada Afgoye Cali Max’ud Magan, waana ninka heysta beerta Emirates ka ee Sheikh Saa’id Ceyr, H/gidir, Hawiye

Hadaba akhristaha qiimaha iyo qaayaha lahow dad sidan ay Cadaaladooda iyo weliba Diintooda tahay sidaan inuu ILLAAH gargaaro oo uu garab galo ma wax la sugaa?

Jawaabta adaan kuu daayay naguna soo biiri ra’yigaaga.

Waa inoo kulan danbe iyo degmo kale.

 

Abdiaziz ShSalah

Wadajirradio@Gmail.com

Daafeet.Com