Maddaxweynaha dowlada federalka oo ugu baaqey Alshabab iney dagaalka joojiyaan eyna ka shaqeeyaan nabada

0
39

Madaxweynaha dowlada federalka Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Xarakada Al-shabaab inay hubka dhigaan ayna ka qayb-qaataan dib u soo celinta nabadda Soomaaliya, isagoo sheegay inaan dagaal wax faa’iido ah lagu gaarayn.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay inay ka go’an tahay inay nabadda dalka dib u soo celiyaan ayna dowalddu soo dhaweynayso cid walba oo ka qayb-qaadanaysa dib u soo celinta nabadda dalka, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay dowladda kala shaqeeyaan sidii nabadda loosoo celin lahaa.

Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ayaan la ogeyn go’aanka ay ka qaadanayso hadalka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, iyadoo la xusuusto inay horay u sheegeen in dowladda cusub iyo madaxdeeda ay ula dagaalamayso si la mid ah sidii ay ula dagaalantay dowladdii iyo madaxdii ka horreeyay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay inuu la dagalamayo Al-shabaab oo uu ku eedeeyay inaysan doonayn nabad dalkan ka dhalata, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay inuu iska bedelo mowqifkiisii hore.

Daafeet.Com