maddaxweynaha, Gudoomiyaha Barlamanka iyo Reysulwasaraha oo shacabka muqdisho kula tukadey masjidka isbaheysiga

0
52

Masuuliyiinta ugu sareesa Dalka Soomaaliya federalka somaliyeed ayaa maanta waxay umada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Muqdisho kula tukadeen salaada ciida masjidka isbahaysiga islaamka ee Magaalada muqdhisho.

Madaxwayanaha jamhuurida federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlay masjidka isbahaysiga islaamka salaada ciida ka dib ayaa umada Soomaaliyeed ugu hambaliyeeyay munaasabada ciida ee maaanta loo dabaal dagaayo maalinteeda koowaad.

Madaxweynaha Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sidoo kale waxa uu umada Soomaaliyeed ka codsaday in ay is gar gaaraan isla markaana ay iska iloowaan wixi horay usoo dhexmaray waxaana uu intaa raaciyay hadalkiisa in ay maanta tahay maalin kuweyn umada islaamka meelwalba oo ay joogaan isla markaana loo baahan yahay in ay wada xusaan.

Daafeet.Com