Xaflada loogu tala galey Ciida oo maanta lagu qabtey xarunta maddaxtooyada

0
47

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka xarunta Madaxtooyadda marti qaad manaasabadda ciida darteed ah ugu sameeyey Masuuliyiinta Dowladdda federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlmaanka, iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hadallo kooban ka jeediyey goobta, marka hore waxaa hadallo kooban jeediyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo hambalyo kaddib umadda Soomaaliyeed u rajeeyey in ciiddaan ciiddeeda ku gaarto Ammaan, Barwaaqo iyo Baraare “.

Guddoomiyaha Baarlmaanka Maxamed Cusmaan Jawaari oo isna ka hadlay goobta ayaa u duceeyey umadda Soomaaliyeed isagoona Xildhibaanadda Baarlamaanka ka codsaday in ay dhexgalaan shacabka si ay uga warqabaan xaaladda ay ku sugan yihiin.

Ugu dambeeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo kaddib waxa uu farriin u gudbiyay dhammaan masuuliyiinta Dowladda isagoona ugu baaq in masuulyiinta ay la yimaadaan wax ka duwan wixii hore.

Daafeet.Com