Shacabka ku nool degmada Marka ee gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegay inay dhac iyo dhibaateyn kala duwan kala kulmaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee halkaas ku sugan.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Marko ayaa sheegay in xilliyada habeenkii ah aan lagu dhex socon karin magaalada, sidoo kalena ay xiraan goobaha ganacsiga iyagoo ka baqdin qaba inay dhac u geystaan ciidamada dowladda.
Saraakiisha dowladda Soomaaliya iyo maamulka degmada Marko ayaa beeniyay inay jiraan dhibaatooyin ay ciidamada dowladdu u geystaan dadka shacabka ah, balse cabshada shacabka ee ku aaddan dhibaatooyinka ciidamadu geystaan ayaa ah kuwo aad u soo kordhaya.
Si kastaba arintu ha ahaatee maamulka degmada iyo abaan duulayaasha ciidamada ayaa marwaba beeniya cabashada shacabka kasoo yeerta intii ey ku sameyn lahaayeen baaritaan, ayagoo mararka qaarkoodna sheega in ey falalkan sameeyaan ciidamada alshabab oo soo labistey dharka ciidanka dowlada taas oo micnaheedu tahay in dharka ciidanka dowlada meel kasta iska yaalo.
Daafeet.Com