Hogaamiyaha ururka alshabab Axmed Godane oo fariin u direy taageerayaashiisa

0
150

Hogaamiyaha Ururka Al-Shabaab C/raxmaan Mukhtaar Abuu Zubeyr oo loo yaqaan Axmed Godane ayaa fariin cod ah uu soo duubay laguna faafiyey baraha Internet-ka oo ay Shabaab isticmaalaan ayaa marka ugu horeysa wuxuu ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa taageera Al-Shabaab munaasabada ciida carafo.

Abuu Zubeyr ayaa soo hadal qaaday kacdoonada ka socda waddamo badan oo carabta kuyaalla isagoo sheegay in ciidan ay kusoo aaday maalmo lala dagaalamayo xukuno kaligood talis ah waddamada carabta qaarkood.

Hogaamiyaha Al-Shabaab mar uu ka hadlayey arimaha Soomaaliya ayuu sheegay in asbaabaha ugu weyn ee Dawlada Ku meel gaarnimada looga saaray ay tahay sida uu yiri in la xalaashado kheyraadka waddanka Soomaaliya sida shidaalka iyo dhinaca kheyraadka badda dhex ceegaaga.

Sh.C/raxmaan Abuu Zubeyr ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arimaha Gobollada Jubbooyinka isagoona ku hanjabay in qabsashadii Kismaayo aysan noqon doonin mid lagu mahdiyo muddo badana ay sii heystaan ciidamada huwanta ee hadda kusugan sida uu yiri.

Mar uu ka hadlayey meel marintii dastuurkii ay ansaxiyeen dawlada Soomaaliya ayuu sheegay in dastuurkaasi uu yahay mid kasoo horjeeda Diinta Islaamka in la isku xukumo waxaana Axmed Godane oo Al-Shabaab looga dhex yaqaano Ab Zubeyr ayaa qodobo badan u cuskaday Dastuurka iyo siyaasada ay Al-Shabaab ka aaminsan yihiin.

Daafeet.Com