Howlgalo laga sameeyey inta u dhexeysa Afgooye ilaa iyo marka

0
66

Ciidamadamo beeleedyada labisan dharka ciidanka dowlada ayaa maanta howlgalo ka sameeyey dagmada Afgooye iyo deegaanada ku xeeran iyagoo intii uu howlgalka socdey soo qabtey qaar ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka.

Ciidamadan ayaa saakay aroortii ka bilaabay howlgalka inta u dhaxeysa dagmada Afgooye iyo magaalada Marka waxa ay gacanta ku soo dhigeen ku dhowaad Lix ruux kuwaas oo siyaaba kala gooni gooni ah looga soo qabtay.

Markii uu soo gaba gaboobay howlgalka ayaa waxaa kulan dagmada Afgooye ku yeeshay saraakiisha amaanka ee dagmadaasi iyo taliyaha horkacayay howlgalka waxaana kulankaasi looga arrinsanayay sidii loo xoojin lahaa amaanka.

Si kastaba arintu ha ahaateen howlgaladan ka dhaca qaar ka mid ah degmooyinka gobolka shabeelaha hoose ayaa mar walba la sheegaa in lagu sugaayo amaanka, balse waxaa loo baahan yahay in la is weydiiyo ciidamada amaanka sugaya ayaga ma yihiin kuwo ey ka nabad helayaan shacabka madama ey ayagu hormuud u yihiin qalalaasama meesha yaal mararka qaarkoodna dadka dhac si barer ah ugu geysta.

Daafeet.Com