Qarax loo adeegsaday Miinooyinka nooca dhulka lagu aaso ayaa maanta ka dhacay afaafka hore ee xarunta degmada Kismaayo, wuxuuna qaraxaasi sababay khasaarooyinka soo gaaray ciidamada dowladda iyo dad rayid ah.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ahayd goob laga shaaheeyo oo ku taal afaafka hore ee laga galo xarunta degmada, waxaana ku sugnaa dad rayid ah iyo ciidamo katirsan kuwa dowladda xilligii uu qaraxa dhacayay.
Illaa imika inta la ogyahay qaraxa waxa ku dhintay hal qof oo rayid ah, waxaana ku dhawacmay ilaa afar kale oo labo kamid ah ay ahaayeen ciidamada dowladda.
Ma jiraan masuuliyiin ka tirsan ciidamada dowladda oo faahfaahin ka bixiyay qaraxa, ilaa imikana ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi.
Daafeet.Com