Alshabab oo sheegtey iney dishey taliyaha guutada shanaad ee ciidanka xoga dalka somaliyeed ee gobolka shabelaha hoose

0
51

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Taliyihii Guutada Shanaad ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ee Gobolkaasi Shabeelaha Hoose Jen: Maxamed Faarax Goordon.

Geerida Taliyaha ayaa waxa ay timid kadib markii kolonyo gaadiid ah oo uu lasocday Taliyaha ay jidka u galeen Ciidamo katirsa Ururka Al-Shabaab halkaasi oo uu ku dhexmaray dagaal in kooban socday.

Gawaarida uu lasocday Taliya ayaa waxaa la sheegay in ay kasoo amba baxeen Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose iyagoona kusoo jeeday Dagmada Afgooye ee Gobolkaasi.

Wabseedyada ku hadla afka Ururka Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in ay halkaasi ku deen Ciidamo katirsan Al-Shabaab Taliyihii Guutada Shanaad ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ee Gobolkaasi Shabeelaha Hoose Jen: Maxamed Faarax Goordon kuwaas oo jidka ugalay kolonyo gaadiid ah oo uu lasocday Taliyahaan geeriyooday.

Ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay Dowlada Soomaliya oo ay kaga hadleyso dilkaan ay sheegteen Al-Shabaab in ay u geesteen Taliyihii Guutada Shanaad ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ee Gobolkaasi Shabeelaha Hoose Jen: Maxamed Faarax Goordon.

 

 

Daafeet.Com