Gudoomiyaha degmada wanleweyn Xaaji Isaaq ayaa waxaa uu baaq ku wajahan sidii wax loogu qaban lahaa shacabka reen wanleeyn u direy dhamaan hey’adaha ka howl gala dalka soomaliya.
Wuxuu sheegay in Degmada ay joogaan dad badan oo masaakiin ah oo u baahan gargaar bini’aadinimo si taasi loo helana loo baahan yahay in Hay’adaha gargaarka ay gaaraan Gobalkaasi.
Guddoomiyaha Degmada Wanlaweyn ee Gobalka Shabeelaha Hoose Xaaji Isaaq ayaa sidoo kale sheegay in sidoo kale Dowladda Soomaaliya ay ka doonayaan kaalmo Bini’aadinimo oo deg deg si loo caawiyo dadka ku dhibaateesan Degmadaasi.
Waxaa kaluu baaq kaasi la mid ah u direy dhamaan dadka reer wanleweyn meel kastoo ey dunida ka joogaan wuxuuna ka codsadey in ey si deg deg ah dadkooda wax ugu soo qabtaan maadaama ey in mudo ah ku jiraan dhibaatooyin badan.
Daafeet.Com