Guddoomiyaha dhaqdhaqaqa Raaskambooni oo qayb ka ahaa ciidamadii la wareegay Kismaayo todobaadyo ka hor, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa sheegay in gobollada Jubbooyinka loo sameynayo maamul ka yimaada dadka shacabka ah oo ka hufan nin jeclaysi iyo qabyaalad.
Sheekh Axmed Madoobe ayaa si adag u sheegay in maamulka Jubbooyinka loo sameyn doono uu noqon doono mid ku saleysan qaab deegaan, wuxuuna aad u dhaliilay habka awood-qaybsiga ee ku saleysan beelaha, isagoo xusay inuusan ahayn mid cadaalad ku dhisan.
Guddoomiyaha Raaskambooni wuxuu sheegay in shirka ay IGAD waddo ee maamulka loogu sameynayo gobollada Jubbooyinka uu meel wanaagsan marayo, dowladda Soomaaliyana ay ka tashadeen sidii maamul loogu sameyn lahaa gobollada Jubbooyinka.
Sheekh Axmed Madoobe waxaa uu intaasi ku darey inay ka go’an tahay in xiliyada soo socda ay la wareegaan deegaannada Jubbooyinka ee ku jira gacanta xoogagga Al-shabaab oo uu ku eedeeyay inay dhibaatooyin fara badan ka geysteen gobollada Jubbooyinka.
Daafeet.Com