Maddaxweynaha maamul goboleedka Puntland oo ka hadley arimaha kismaanyo

0
50

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamuud Faroole ayaa wuxuu sheegay in Magaalada Kismaayo ay kamid tahay Magaalooyinka Soomaaliya mudadii dalka uu ka jiray burburka sida aadka ah saameynta ugu yeeshay.

Wuxuu sheegay marka laga hadlaayo maamul u sameynta Magaalada Kismaayo inay wanaagsan tahay in faraha looga qaado dadka kasoo jeeda deegaanka islamarkaana iyagu ay maamul u sameystaan.

C/raxmaan Faroole ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay ka gudbida habka 4.5 sida uu sheegayna heshiiska uu ahaa in afar sano kadib laga gudbo.

Madaxweynaha Maamulka goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole waxaa kaloo uu intaasi ku darey in dadka Soomaalida ah ee ku sugan dalka dibadiisa looga baahan yahay inay dalka dib ugu soo noqdaan ayna ka qeyb qaataan horumarka ka socda dalka Soomaaliya.

Daafeet.Com