Warar eynu dhawaan ka helney Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Taliyihii ciidamada Dowladda ee Magaaladaasi.
Dilka taliyaha ciidamada Dowladda ee Magaalada Beladweyne ayaa waxaa ka dambeeyay askari ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Magaaladasi.
Taliyaha la dilay ayaa waxaa la sheegay in ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya isla markaana buundada liiq liiqato ee Magaalada Beladweyne dhigtay isbaaro uu isku deyay in uu ka qaado isbaaradaas ka dibna askari ka tirsan ciidanka dowladda uu rasaas ku furay taliyahana uu halkaasi uu ku geeriyooday.
Askariga dilka geestay ayaa waxaa la sheegay inuu meesha ka baxsaday isaga oo aan la garaneyn halka uu u baxsaday.
Si kastaba arintu ha ahaatee dadka loo xirey dareeska ciidanka dowlada ayaa intooda badan ah maleeshiyo beeleedyo waana dad 20kii sano ee dagaalka qorigaas dadka ku gumaadi jirey maantana in taliye loo sameeyey ayaa la rabaa in uu taliyaha amar ka qaato waa wax u baahan in daraasaad badan lagu sameeyo si loo helo askar fiican oo nadiif ah ee umada u adeegta.
Daafeet.Com