Faroole iyo maamulkiisa oo u arkey C/wali Maxamed Cali Gaas in uu carqalad ku yahay maamulkooda kana codsadey inuuka boxo magalada

0
60

Reysulwasaarihii hore ee dowlada federalka somaliya C/wali Maxamed Cali Gaas oo beryahan dambe ku sugnaa deegaanada maamulka Puntland ayaa waxaa la sheegay in hada Taliska ciidamada Gobalka Bari iyo maamulka Gobalkaasi ay si deg deg ah ugu yeereen.

Xildhibaan C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa wuxuu gaaray isaga iyo wafdigiisa xarunta maamulka Gobalka Bari ee magaaladaasi Boosaaso halkaasi oo uu kulamo kula qaatay Guddoomiyaha Gobalka barri C/samad Maxamed Galan.

Guddoomiyaha Gobalka Bari C/samad Maxamed Galan ayaa u sheegay C/wali Maxamed Cali Gaas inuu kabaxo Magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland islamarkaana warkaasi uu kasoo baxay madaxtooyada maamulka Puntland.

Galan ayaa sheegay in la farayo Xildhibaan C/wali Maxamed Cali Gaas inuu sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxo Magaalada Boosaaso uuna joojiyo kulamada uu la qaadanayo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Kulanka ayaa la sheegay in laga soo kala dareeray iyadoo wax jawaab ah uusan bixin C/wali Cali Gaas islamarkaana uu ku adkeystay inuu yahay muwaadin udhashay deeganada Puntland ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Daafeet.Com