Iska hor imaad xaley ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka baay

0
56

Dagaal xooggan ayaa xalay fiidkii ka dhacay deegaanka Goof-guduud ee duleedka degmada Baydhabo kaasoo u dhexeyey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo iskaashanaya iyo xoogagga Al-shabaab.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ku sugan degmada Baydhabo ayaa sheegay in dagaalkaas ay soo qaadeen xoogaga Al-shabaab ka tirsan ciidamadooduna ka hortageen khasaare xoogganna u geysteen, balse ma aysan sheegin khasaaraha dhankooda kaso gaaray dagaalka.

Xaaladda deegaankii lagu dagaalmay xalay ayaa saakay deggen iyadoo ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya, mana jiro hadal dagaalkan ku saabsan oo kasoo baxay dhinaca Xarakada Al-shabaab.

Si kastaba arintu ha ahaatee alshabab ayaa weli ku sugan Degmooyin ka tirsan gobolka Bay ayaa waxaa weli gacanta ku hayaan taasoo keeneysa in mar walba ey dagaal isku soo qaadaan labada dhinac.

Daafeet.Com