Dowlada keyna oo iska fogeysey maamul u sameynta gobolada jubooyinka

0
43

Muran weyn aya beryahan dambe ka taagnaa maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka ayaa dowladda Kenya waxay markii ugu horreysay ku dhawaaqday inaysan lug ku lahayn maamul u sameynta gobolladan Koonfurta Soomaaliya ku yaalla.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Kenya, Richard Onyonka ayaa sheegay inuusan dalkiisu wax lug ah ku lahayn maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka, isagoo iska fogeeyay hadallada ku saabsan in Kenya ay doonayso inay qayb ku yeelato maamul u sameynta Jubbooyinka.

Mas’uulkan Kenyaatiga ah ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu ururka Midowga Afrika kusoo bandhigayay waxqabadka ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin dib u dhisidda nabadda Soomaaliya.

Hadalkan ayaa wuxuu kusoo b eegmayaa iyadoo dhawaanahan uu ka socday magaalada Nairobi shir looga arrinsanayay maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka taasoo ay soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta maamulka Raaskambooni.

Daafeet.Com