Howlgalo lagu burburinaayo goolbaha sida sharci darada loo dhistey oo maanta ka bilowdey ceelgaabta

0
54

Howlgalo ey si wadajir ah u sameeyeen Maamulka Gobalka Banaadir iyo taliska Ciidamada ilaalada wadooyinka ayaa maanta ka dhacay magaalada muqdisho.

Taliyaha Ciidamada ilaalada Wadooyinka Cali Xersi Barre Cali Gaab oo halkasi saxaafada kula hadlay ayaa waxa uu sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay in la baneeyo goobo dad ganacasato ah ay ka sameesteen geerishyo gaadiidka la dhigto.

Cali Gaab ayaa tilmaamay in meesha howlgalka maanta laga fuliyay lagu magacaabo Yoobsan Dowladii dhexe ee Dalkana waagii ay jirtay lagu iibin jiray Kabaha iyo Dharka.

Sidoo kale waxaa halkasi saxaafada kula hadlay Xoghayaha Gobalka Banaadir Cabdi kaafi Hilowle Cismaan kaasi oo sheegay in mudo lix bilood ka hor amar lagu siiyay dadka dagan inay ka guuraan balse ay ka dhaga adeegaan warkaasi.

Wuxuu sheegay in amarka dadkaasi dhulka looga saarayo uu yahay mid kasoo baxay Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobalka Banaadir.

Daafeet.Com