Howlgalo lagu sugaayo amaanka oo laga sameeyey magalada kismaanyo

0
51

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ururka Raaskambooni ayaa howlgal ay maanta ka sameeyeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxay ku soo qabqabteen in ka badan 400 qof oo looga shakiyay inay ku lug lahaayeen falal ka dhan ah nabadgelyada.

Waxaa sidoo kale howlgalka lagu soo qabtay hub u badan qoryaha fudud, bam gacmeedyo iyo rasaas.

Ciidamada ayaa guri guri u baaray xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada, waxaana hakad uu ku yimid ganacsiga, iyadoo sidoo kale isgaarsiinta hawada laga saaray galinkii hore ee maanta.

Ciidamadan ayaa wxaan ey ku howlan yihinn xaqiijinta ammaanka magaalada, iyadoo dhowr jeer ay qaraxyo ka dhaceen magaalada tan iyo markii al-Shabaab ay isaga baxday halkaasi dabayaaqadii September.

Wararka ayaa waxaa intaasi ku darayaa in qaar ka mid ah dadkii lasoo qab qabtey la sii daayey kaddib markii lagu waayay wax dambi ah, halka baaritaanno lagu wado kuwa weli ku jira gacanta ciidamada.

Daafeet.Com