Howlgalo laga sameeyey degmada xamar weyne oo dhalinyaro badan lagu soo qabqabtey

0
109

Taliyaha Saldhiga Dagmada Xamar Weyne Maxamed Daahir C/dulle oo maanta saxaafada kula hadlay Magaalada Muqdiso ayaa waxa uu ka hadlay arimo badan oo ay kamid tahay Howgal laga sameeyay Dagmada maanta waxaana uu sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid lagu xaqiijinaayay amaanka Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir.

Waxa u inta ku daray hadalkiisa Taliyaha Degmada Xamer Weyne ee Gobolka Banaadir Maxamed Daahir Cabdulle in dadka ay kusoo qab qabteen Howgalkaan oo ay maanta saxaafada usoo bandhigeyn ayaa waxa uu tilmaamay in ay ahayeen rag maandoriyaal iyo tuugonimo kusoo qabqabtay islamarkaana aysan jirin hub ay wateen ragan ay maanta saxaafada uso bandhigeen. .

Sidoo kale waxa uu eedeyn dusha kaga tuurey mid ka mid ah saraashiisha Ciidanka Dowlada Soomaaliya kaas oo ku aadan hadalkii shalay ka soobaxay mid kamid ah saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo uu saxaafada siiyay kaas oo uu kaga hadlaayay amaanka Dagamada Xamar Weyne.

Howlagaladan ay sameynayaan ciidamada dowlada ayaa ah kuwo beryahanba ka socdey goobaha ey la wareegeen ciidamada dowlada si loo helo amaan buuxa, balse ay aad ugu adkatey in ey sugaan amaan guud ahaan degmooyinka iyo gobolada dalka.

Daafeet.Com