Howlgalo maanta laga sameeyey deegaanka Kaxda oo dhalinyaro badan lagu soo qabqabtey

0
43

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waxa ay Subaxnimadii hore ee Saakay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho gaar ahaan Dagmada Kaxda ee Gobolka iyo degaano hoostaga Degamadaasi.

Gudoomiyaha Dagmada Kaxda ee Dowlada Soomaaliya Cabduwali Yuusuf Cali ayaa waxaa uu faafaahin kabixiyay Howgalkaan iyo wali waxyaabaha ay ku soo qab qabteen.

Waxaana uu sheegay Gudoomiyaha in ay Howgalkaan ay iska wada kaashanayeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxaana uu intaa ku daray hadalkiisa in uu ahaa Howgalkaan mid lagu xaqiijinaayay amaanka Dagmada Kaxda iyo Degaanada hoostaga.

Waxaana uu ugu dambeentii sheegay Gudoomiyaha in Howgalkaan ay kusoo qab qabteen dhalinyaro aad u badan kuwaas oo uu sheegay in looga shakiyay falalka amaan xumadaa ee ka dhacay Dagmadaas.

Daafeet.Com