Wasiirkii hore ee gaashaandhiga oo maanta booqasho ku tegey magalada kismaanyo

0
43

Waxaa maanta magalada kismaanyo ee gobolka jubada hoose  kormeer ku tagey wefdi uu hogaaminaayo wasiirka gaashaandhiga ee xilkiisa dhamaadey Xuseen Carab Ciise.

Wafdiga wasiirka oo uu ku jiro taliyaha ciidamada qaranka Soomaaliya, Cabdulqaadir Cali Diini iyo saraakiil kenyaati ah oo ka tirsan howlgalka midowga afka ayaa waxay kulan la qaadan doonaan maamulka KMG-ka ah ee magaalada.

Kulanka ayaa la filayaa in looga hadlo xoojinta ammaanka magaalada, dar-dargalinta howlgallada ka dhanka ah al-Shabaab iyo maamul u samaynta gobollada Jubbooyinka.

Si kastaba arintu ha ahaatee magalada kismaanyo ayaa waxaa ka jira loolan badan oo ku saabasan maamul u sameynta gobolada jubooyinka oo ey ugu horeyso magaalda kismaanyo halkaas oo ey hardamayaan kooxo badan.

Daafeet.Com