Dowlada ugandha oo sheegtey iney ciidaamadeeda kala bixi doonto dalka somaliya

0
129

Dowladda Uganda ayaa sheegey inay ciidamadeeda kala baxayso gudaha dalalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo (DRC), kaddib markii warbixin Qaramada Midoobay ay soo saartay ay ku eedeysay inay taageerto mucaaradka M23 ee saldhigga ku leh Bariga DRC.

Qoraal uu baarlamaanka u diray ayuu ra’iisul wasaaraha Uganda, Amama Mbabazi, ku sheegay Jimcihii shalay in warbixinta Qaramada Midoobay ay tahay mid aan raad lahayn , caddaalad-darro ah oo nacayb xambaarsan.

Ra’iisul wasaare Mbabazi ayaa sheegay in Uganda ay door muhiim ah kaga jirto wax kastana ay u hurayso nabad ku soo dabbaalidda gobolka, sidaa darteedna ay u qalantay fahan wanaagsan inay ka hesho Qaramada Midoobay iyo gobolka.

Wasiirka ammaanka Uganda wuxuu ku dooday inay ku daaleen inay ilaaliyaan mar walba ilaaliyaan nabadda dalalka ay dariska yihiin, balse ay hadda go’aansadeen inay xoojiyaan nabadda dalkooda, intii ay ilaalin lahaayeen nabadda dalal kale.

Daafeet.Com