Midowga yurub ayaa sheegey in somaliya uu ugu yaboohi doonto 158 milyan oo Euro

0
79

Midowga Yurub ayaa shaaca ka qaaday inuu dowladda Soomaaliya siinayo lacag dhan 158 milyan oo Euro oo u dhiganta in ka badan 200 oo milyan oo doollar.

Ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxay si wada-jir ah Muqdisho uga billaabeen heshiiska cusub ee horumarineed.

Ergeyga Midowga Yurub ee Soomaaliya wuxuu toddobaadkan gudihiisa u safri doonaa magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe si loo adkeeyo taageerada la siinayo Somaliland iyo Puntland ee kaga aaddan heshiiska cusub.

Waa barnaamijkii horumarineed ee ugu weynaa ebed oo Midowga Yurub uu hal mar u ansixiyo Soomaaliya.

Barnaamijka ayaa loogu talagalay inuu wax ka gaysto maamul wanaagga, dib u dhiska nabadda, amniga, dimuquraaddiyadda, horumarinta dhaqaalaha, waxbarashada, amniga cuntada iyo kaalmada dhinaca horumarinta farsamada.

Daafeet.Com