Xildhibaannada baarlaamanka Soomaaliya ayaa waxay maanta oo Sabti ah ayaa waxay xaruntooda Muqdisho ku yeelanayaan kulan looga hadlayo xeer hoosaadka baarlamaanku uu ku shaqeynayo afarta sano ee soo socota.
Mid ka mid ah xoghayeyaasha baarlamaanka ayaa saxaafadda u sheegay in kulanka maanta diiradda lagu saari doono laba nuqul oo xeer hoosaadka baarlamaanka ah, kuwaasoo ay soo kala diyaariyeen laba guddi oo horay loogu saaray.
Mudanahan ayaa wuxuu sheegay in qodobbada ugu adag ee doodda badan dhalin doona ay ka mid yihiin in xildhlibaanku uu xilka ku wayn karo haddii uu maqnaado laba kulan oo uu baarlamaanku yeelanayo, taasoo uu ku sheegay inay tahay mid aad loola yaabo.
Xeerarkan ayuu sheegay xildhibaanku in midkood uu yahay 54 qodob, halka midka kalena uu yahay 83 qodob, taasoo uu sheegay inay dood badan dhalin karo sidii la isku waafajin lahaa labadan xeer ama midkood loo qaadan lahaa.
Daafeet.Com