52 sano ka dib somaliya haweeneydii ugu horeysa oo noqota wasiirka arimaha dibaba

0
64

Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa noqonaysa wasiirradii ugu horeysay oo haween ah oo loo dhiibo jagada wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya inta la xusuusto taariikhda Soomaaliya, waxayna ka mid ah tahay toban wasiir oo uu xalay ku dhawaaqay ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Fowziyo ayaa waxay kasoo jeeda deegaannada Somaliland, waxayna muddo dheer ku noolayd dalka Britain, waxayna qudheedu soo dhaweysay in loo magacaabo xilka wasaaradda arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamka ee Soomaaliya.

“Magacaabidda la ii magacaabay wasiirka arrimaha dibadda waa mid taariikh cusub u ah Soomaaliya, gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed. Waayo tani waxay furaysaa baal cusub oo siyaasadda Soomaaliya ah,” ayay tiri Fowziyo.

Si kastaba arintu ha ahaatee soomaaliya waxaa ey xor tahay 52-sano waxaana lasoo maray xukuumado fara badan oo isugu jira kuwo joogto ah iyo kuwo KMG ah, waxayna noqonaysaa markii ugu horreysay oo xilkan arrimaha dibadda loo dhiibo qof haween ah waxaana soo dhaweeyay magacaabistan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Daafeet.Com