Midowga yurub iyo dowlada ingiriiska oo soo dhaweysey wasiiradii la magacaabey

0
91

Dowladaha ku midoobey ururka Midowga Yurub iyo dowladda Ingiriiska ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay golaha wasiirrada ee uu soo dhisay ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shir-doon iyagoo sheegay inay gacan siinayaan.

Warsaxaafadeed uu Nairobi kasoo saaray danijraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Michele Cervone d’Urso ayuu ku sheegay inay soo dhaweynayaan wasiirrada cusub ee uu soo magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale, danjiruhu wuxuu sheegay in Midowga Yurub ay diyaar u tahay inay gacan siiso dowladda cusub ee Soomaaliya si ay u gudato howlaha horyaalla oo ay ugu horreyso ammaanka iyo dib u dhiska.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha Afrika ee Britain ayaa isaguna warsaxaafadeed uu soo saaray maanta oo Isniin ah ku sheegay inay soo dhaweynayaan xukuumadda uu soo dhisay ra’iisul wasaare Saacid.

Sidoo kale, Simmonds wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo uu sheegay inay tahay markii ugu horreysay oo gabar Soomaaliyeed loo magacaabo jago sare oo heer wasiir ah.

Daafeet.Com