Gudoomiyaha barlamanka oo ku war gelinaya xildhibanada dalka dibada uga maqan in ey si dhaqso ah kusoo laabtaan

0
49

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa waxa uu ku amray xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ku maqan Dalka dibadiisa in looga baahan yahay in ay kusoo laabtaan Dalka sida ugu dhaqsiyaha badan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa waxa uu hadalkaan ka sheegay kulan ay maanta isugu yinmaadeen Baarlamaanka Soomaaliya kaas oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Waxaana uu carabaabay Gudoomiyaha Baarlamaanak Soomaaliya in ay haatan u yaalaan Baarlamaanka Soomaaliya howlo aad u badan sidaasi daraadeedna looga baahan yahay xildhibaanada inay yimaadaan si loo dhameeyo arimahasi.

Si kastaba arintu ha ahaatee xildhibaanada qaarkoo ayaa ah kuwa aan dalka inta badan joojin ayagoo badanaba saldhigyo ku leh dalka kenya halkaasi oo ay fadhi ka dhigteen si ey ula socdaan dhaqa dhaqaayada siyaasadeed ee ka jira dalka.

Daafeet.Com