Maddaxweynaha dowlada federalka somaliya oo la kulmey qaar ka mid ah xildhibanada baarlamanka

0
41

Maddaxweynaha dowlada federalka Xasan Sheekh Maxamud ayaa xaley waxaa uu kulan kula qaatey xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka oo uu abaabulkeeda lahaa  Madaxweynaha dalka ayaa waxaa kasoo qeybgalay xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya kaasi oo looga hadlaye taageerada xukuumadda cusub.

Goobta uu kulanka ka dhacayey ayaa waxaa ku sugnaa wasiirka Difaaca dalka Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arimaha dibada Fowsiya Yuusuf Xaaji.

Madaxweynaha dalka Soomaaliya ayaa Baarlamaanka u sheegay in wasiirada cusub ee lasoo dhisay inay yihiin kuwa waxqabad leh islamarkaana gudan kara waajibaadka qaran ee dul saaran.

Daafeet.Com