Obama oo ku guleystey inuu talada haayo 4ta sano ee soo socota

0
75

Doorashooyinkii ka dhacayey shaleyto dalka mareyka ayaa waxaa ku guuleystey , Barack Hussein Obama inuu hoggaamiyo Mareykanka afarta sano ee soo socota, kaddib markii uu helay 303 cod oo ka badan codadkii loo baahnaa.

Murashaxii la tartamayay Mitt Romney oo ka socday xisbiga Jamhuuriga ayaa isna helay 206 cod, isagoo durba qirtay in looga adkaaday doorashada, wuxuuna u diray hambalyo ku aaddan guushiisa madaxweyne Barack Obama.

Obama oo khudbadiisii guusha ka jeediyay magaalada Chicago ee gobolka Illinois ayaa u mahad celiyay dhammaan intii gacanta ka geysatay in dib loosoo doorto, wuxuuna sheegay inuu wax ka bedeli doono habka canshuuraha Mareykanka uuna sameyn doono sharciyadda dadka soo-galootiga ah.

 

Daafeet.Com