Qarax goor dhow ka dhacay agagaarka xarunta golaha shacabka

0
55

Qarax aad u xoogan oo ey soo abaabuleen kooxaha kasoo horjeeda dowlada ayaa goordhaweyd  ka dhacay agagaarka masaajidka Isbaheysiga ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa waxaana la sheegay inuu ka dhacay barxada hore ee masaajidka isbaheysiga ee Magaalada Muqdisho.

Ilaa hada lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi hayeeshe warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxa khasaaraha ka dhashay.

Qaraxyadan ey maleegayaan kooxaha kasoo horjeeda dowlada ayaa ah kuwo mar walba lala beegsado shacab aan waxba galabsan taasoo aan oran karno badanaba waa wax loogu tala galey in lagu argagixiyo shacabka si ey u badato cabsidooda ku aadan dhinaca nabada.

Daafeet.Com