Dowlada ugandha oo weli ku gorgortamaysa joogitaanka dalka somaliya

0
185

Dowladda Uganda ayaa marka sheegtey  inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya, haddii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku adkeysto go’aankoodii ahaa in Uganda ay taageero siiso jabahadda M23 ee ka dagaalanta bariga dalka DR Congo.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Uganda oo magacyadooda qariyay ayaa sheegay inay Uganda ay u qabatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay muddo toban maalmood oo kama dambeys ah inay ku beeniyaan eedeynta dalkooda loo jeediyay, iyagoo xusay inay taasi keeni karto in ciidamada Uganda ay sii joogaan Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha dalka Uganda, Amama Mbabazi ayaa baarlamaanka dalkiisa u sheegay toddobaadkii lasoo dhaafay inay ka go’an tahay inay ciidamadooda kala soo baxaan dalalka Soomaaliya, Afrikada Dhexe iyo DR Congo oo ay howlo nabad ilaalin ah u joogaan, haddii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ku adkeystaan eedeynta ay dalkooda u jeediyeen.

Ciidamada Uganda ayaa ah kuwa ugu tirada badan ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya oo tiradoodu ka badan tahay 17,000 ee askari, kuwaasoo deegaanno ay ku jirto magaalada Kismaayo kala wareegay xoogagga Xarakada Al-shabaab.

Daafeet.Com