Qaramada midoobey oo diidey iney maalgeliso ciidamada bada ee Amisom

0
63

Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii ka wada hadley codsi uu u diray Midowga Afrika oo uu ku dalbanayay maal-gelinta ciidamada badda Kenya ee ka howlgalaya xeebaha Soomaaliya.

Ku-xigeenka danjiraha Koonfur Afrika ee Qaramada Midoobay Doctor Mashabane ayaa sheegay in “saddex ama afar xubnood” oo ka tirsan 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ay ka hor-yimaadeen dedaalka dhaqaale loogu raadinayay ciidamada badda Kenya ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, sida uu qoray wargayska Daily Nation ee Kenya.

Dalka fraance oo ka mid ah waddamada codka qayaxan leh ee Golaha Ammaanka, ayay wararka qaar sheegeen inay ka mid ahayd waddamada ka hor-yimid codsiga AU-da.

Golaha Ammaanka ayaa fadhigii Arbacada sidoo kale u kordhiyey mudo afar bilood ah joogista AMISOM ee Soomaaliya.

Daafeet.com