Cali Dheere: Magaalada Kismaayo Waxaa is Lahaysiisay Dowlada Kenya

0
88

Xarrakada Al-shabaab ee sida weyn uga soo horjeeda dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in waqtigan la oran karo degmada Kismaayo meel looga taliyo sida ay hadalka u dhigeen dalka Kenya.

Afhayeenka kooxda Al-shabaab Cali Dheere ayaa sheegay sida uu hadalka u dhigay in degmada Kismaayo ay xiligan ku jirto gumeysi cad oo ah arin ay marar badan oo hore uga digeen shacabka ku dhaqan degmada.

‘’Dowladda Kenya iyo Uganda ujeedo kale malaha, waxaa ay doonayaan oo kaliya in ay dalka ku qabsadaan mar marsiiyo ah dowladda Soomaaliya ayaa gacan siineynaa, hadda wax walba waa kala cad yihiin ayuu yiri,’’ Cali Dheere.

Waxaa uu sheegay Cali Dheere in xaalad ay ku jirto Kismaayo dilaal cad u tahay wafdigii dhawaan dib looga soo celiyay degmada Kismaayo ee ka socda dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay in wafdigaas ay u diideen in ay gudaha u galaan degmada ciidamada Kenya.

Hadalka afhayeenka kooxda Al-shabaab ayaa imanaya xili buuq dhinaca siyaasada ah ay ka jirto xaalada degmada Kismaayo, kadib markii ay xaalada isku fahmi waayeen dowladda iyo jabhada Raaskanbooni.

Daafeet.com