Dib u Dhac ku Yimid Qorshihii Maanta ay Golaha Wasiirada Cusub ku Hor tagi Lahaayeen Baarlamaanka

0
80

Qorshe la filayay in maanta xukuumada cusub ee dhawaan lagu dhawaaqay ku hortagi laheyd baarlamaanka ayaa dib u dhacay sababo ilaa iyo hadda aan la kala cadeyn.

Wararku waxaa ay sheegayaan in fadhiga maanta ee xildhibaannada baarlaamaanka Soomaaliya uu sii guda galay dood maalmihii ugu danbeeyayba u soctay oo ku saleysneyd ansixinta xeer hoosaadka.

“Dib u dhac ayaa ku yimid kulan baarlamaanka lagu horkeeni lahaa xukuumadda, kaasoo ay kusoo bandhigi lahayd qorshaheeda siyaasadeed, baarlamaankuna wuxuu gudo galay ka doodista xeer hoosaadyadiisa,” ayuu yiri mudane baarlamaanka ka tirsan.

Xukuumada cusub ee Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah qorshuhu ahaa in hortagto xildhibaannada baarlamaanka si ay uga hor jeediso waqabadkeed iyo waliba in ay codka kalsoonida weydiisato xildhibaannada.

Warar ayaa sheegaya in sababta dib u dhaco yahay, iyadoo lagu war-galiyay ra’iisal wasaaraha qodob ku qoran dastuurka oo dhigay in baarlamaanka la hor geyn karo oo kaliya xukuumad dhameystirin sidaa daraadeed looga baahan yahay ra’iisal wasaaruhu in uu soo dhiso xubnaha ka dhiman xukuumada sida wasiir ku-xigeenada iyo wasiiru-dowlayaasha.

Daafeet.com