Alshabab oo xaley madaafiic ku weerarey garoonka diyaaradaha ee magalada kismaanyo

0
74

Kooxo ka tirsan xoogagga Al-shabaab ayaa xalay weerar madaafiic ah ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo halkaasoo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Weerarradani oo ahaa kuwo qorsheysan ayaa mar qura lagu qaaday saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo iyo garoonka diyaaradaha.

Ilaa imika ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarradaasi, mana jiraan masuuliyiin katirsan dhinacyadii uu dagaalka u dhexeeyay oo faahfaahin ka bixiyay.

Xoogagga Al-shabaab oo iyagu ku sugan deegaanada ku xeeran magaalada Kismaayo ayaa wacad ku maray in aysan joojin doodin weerarrada ka dhanka ah ciidamada huwanta ah ee ku sugan Kismaayo.

Ilaa imika ma jiraan masuuliyiin katirsan Al-shabaab oo faahfaahin ka bixiyay weerarradii ay xalay ka fuliyeen gudaha magaaalada Kismaayo.

Daafeet.Com