Ciidamo tababar loogu soo gabagabeeyey degmada xudur

0
245

Ciidamo Tiradooda gaaraysa 700 oo askari ayaa shalay tababar soconayay muddo shan bilood ah loogu soo gabagabeeyay degmada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool.

Tababarka waxaa bixinayay saraakiil Itoobiyaan ah, sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Xuddur, Maxamed Macallin Axmed.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada tababarka loo soo gabagabeeyay ay diyaar u yihiin inay la dagaallamaan maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan meelo ka tirsan gobolka, isagoo ka codsaday maamulka gobolka in la qalabeeyo askarta, laguna dhiirrageliyo waxqabad.

Si kastaba arintu ha ahaatee tababarka mid la mid ah ayaa dhawaan lagu soo gabagabeeyey magaalada baydho halkaasoo tababar loogu soo gabagabeeyey ciidamo tiradoodu kor u dhaaftey 1700 askari

Daafeet.Com.