Maamulka Degmada Marka ee Gobalka Sh/hoose ayaa waxa Magaalada Marka ee xarunta Gobalkaasi. aad uga cabanayaan dhibaatooyinka ey ku hayaan ciidamada milateriga ee dhawaan alshabab kala wareegey gacan ku heynta degmada marka
Guddoomiyaha Degmada Marka ee dowlada Soomaaliya Axmed Macalin Cukaash ayaa waxa uu sheegay in aysan jirin wax gooba ganacsi ah oo ka furan Degmadaasi taasi oo ay dadka ka baqdin qabaan hadii ay goobaha ganacsiga ay furaan inay dhibaatooyin kala kulmaan ciidamada.
Guddoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda ee dhibaatooyinkaasi geesta ay yihiin kuwa Milateriga Dowladda Soomaaliya islamarkaana aysan jirin cid wax ka qabanaysa.
Sidoo kala maamulka Degmada Marka ee Gobalka Sh/hoose ugu baaqeen laamaha ammaanka ee Dowlada Soomaaliya inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ay sheegeen in ciidamada dowlada ay ku hayaan shacabka hadii ay arinkan wax laga qaban waayo laga yaabo in gacanta markale u gasho Al-Shabaab.
Si kastaba arintu ha ahaatee ciidamadani ayaa u badan qaar hada ka hor alshabab xoog kaga soo saartey degmada marka ayagoo markaasi matelaayeyey ciidamo beeleedyo hadana loo xirey dareeska dowlada si ey howshoodii meesha uaga sii wataan.
Daafeet.Com