Baarlamaanka oo maanta ansixiyey xukuumada cusub

0
233

Kulan beryahan oo dhan la dhowrayey oo ey baarlamanka ku ansixin lahaayeen xukuumada cusub ayaa maanta waxaa uu ka dhacay xarunta golaha shacabka halkaas oo ey ku kulmeen xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankaasi waxaa soo xaadirey 225 xildhibaan 219 waxaa ey cod buuxa ku ansixiyeen xukuumada cusub halka 3 ka mid ah ey diideen 3 kalana ka aamuseen.

Kulankaas waxaa kaloo goobjoog ahaa raysulwasaare Cabdi Faarax Shirdoonwaxaana uu shegey in xukuumadiisa ey ka shaqeyn doonto xaajinta amaanka.

Daafeet,Com