Warbixin ey soo daartey xafiiska qaramada midoobey u qaabilsan gargaarka bini’aadannimada ee OCHA ayaa sheegey in gobolka Jubbada Hoose iyo Shabeellaha Hoose ay ka dilaaceen cudurka shunab biyoodka halkaaso oo la sheegey in ey ku geeryoodeen in ka badan 16 ruux.
Warbixinta ayaa lagu sheegay inuu cudurka soo ritay 180 qof, waxaana meelaha ugu daran ee uu ka dillaacay ka mid ah degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.
Waxaa sidoo la xaqiijiyay inuu cudurka ka dillaacay degmada Afmadow iyo deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose oo lagu magacaabo Badaale.
Daafeet.Com