Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa sheegey sida ey in saxaafada uga qeyb qaadato burburka dalka Soomaaliya ay tahay inay baahiyeen warar lidi ku ah ammaanka Gobalka.
Wuxuu sheegay in iyadoo ammaanka Magaalada Muqdisho uu yahay mid wanaagsan bahda saxaafada ay sheegeen in ammaanka Muqdisho uu xun yahay dilal ay ka dhacaan Magaalada sida Tarsan uu ku eedeeyay Saxaafada Muqdisho.
C/rashiid Deel waa xubin kamid ah Urur lagu magacaabo NUSOJ oo suxufiyiinta udooda wuxuu sheegay in hadalka Guddoomiyaha Gobalka Banaadir uu yahay mid daan daansi ah.
Hadalka gudoomiyaha ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xili ey ka dhacaan magalada muqdisho dilal qorsheysan oo ey geystaan kooxo aan la garaneynin kaasoo ilaa iyo hada ey wax ka qaban layihiin ciidamada dowlada iyo kuwa amison.
Daafeet.Com