Warar inaga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa waxay sheegayaan in xalay markale la duqeeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada Kenya iyo kuwa Raaskambooni.
Sida warku sheegayo tiro madaafiic ah oo u badan hoobiyaal ayaa xalay lagu weeraray garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, waxaana la sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugan garoonka ay iyaguna ku jawaabeen madaafiic ay ku ridayeen dhinacii ay hoobiyaasha uga soo dhacayeen.
Weerarkan xaley dhacay ayaa ilaa iyo imana aan la ogeyn qasaaraha dhabta ah ee uu geystey ayadoo ey geesteen weerarkan ciidamada alshabab ee dhawaan laga saarey magalada ksimaanyo. .
Weerarkan lagu qaadey garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xili ey magalada ksimaanyo ku sugan yihiin wafdi ka yimid Kenya oo isugu jira Soomaali iyo IGAD, kuwaas oo doonaya inay maamul u sameeyaan magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobolada Jubbooyinka.
Ma jirto cid ka hadashay weerarada xalay lagu qaaday garoonka diyaaradaha Kismaayo iyo madaafiicdii jawaabta aheyd ee ay ciidanka Kenya ku jawaabeen.
Daafeet.Com