Dowlada ingiriska oo soo dhaweysey ansixida xukuumada cusub

0
81

Dowladda ingiriiska ayaa soo dhowaysay ansixinta baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee golaha wasiiradda cusub, waxayna ku tilmaantay tallaabo wanaagsan oo dhanka horumarka loo qaaday.

Waxbixin la soo dhigay bogga safaaradda Britain ee Soomaaliya, ayuu wasiirka arrimaha Afrika Mark Simmonds ku sheegay in codka uu baarlamaanka siiyay ay caddayn u tahay taageerada uu golaha u hayo, isagoo sidoo kalena taariikhi ku tilmaamay labada haweenka ah ee boosaska sare laga siiyay golaha..

Shaley ayey eheyd kolkii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu cod aqlabiyad leh ku ansixiyay golaha wasiirrada cusub ee uu dhowaan soo dhisay raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon, walow ka tirsan baarlamaanka ey ku andacoonayaan in sida ansixinta e dhacdey ey qalad eheyd.

Daafeet.Com