cabashooyin badan ayaa waxaa ey inaga soo gaarayaan dhamaan deegaanada shabeelaha hoose oo ey la wareegtey gacan ku heynta ciidamada ku labisan dareeska dowlada taasoo ey marba marka ka dambeysa ey sii badaneyso cabashoonyinkaas ayaga ah.
Qaar ka tirsan dadka ku dhaqan gobolka shabeelaha hoose ayaa waxaa ey inoo sheegeen in ciidamada loo soo labisey dareeska dowlada eysan waxba kaga duwaneyn kuwii ey alshabab meesha ka ceyrisey sanado ka hor taasoo ey ku timaameen in maalin walba la dhoco gawaarida isaga gooshta Magalada Muqdisho iyo Afgooye, Afgooye iyo Marka iyo Afgooye iyo Wanlaweyn.
Dadka ku dhaqan deegaan waxaa kaloo ey inoo sheegeen in magalada Muqdisho ilaa iyo Afgooye ey taalo dhow isbaaro oo ey hestaan ciidamo beeleedyo kasoo jeeda gobolada dhexe oo loo labisey dareeska dowlada wexey kaloo intaasi ku dareen in dhinaca degmada Marka, marka loo kicitiyo ey taalo isbaaro kale Ceel jaale, labo kalena oo aan sidaasi u kala fogeyna wexey taalaa Warmaxan iyo Texsiile.
Dhamaan isbaarooyinkaas aan soo sheegney waxaa ey meesha u yaalaan dad ku labisan dareeska dowlada oo isku wada heyb ah kana soo jeeda gobolada dhexe taasi oo micnaheedu tahay alshabab intii eysan qabsan gobolka shabeelaha hoose maleeshiyaadkii ku sugnaa in loo labiso dareeska dowlada howshoodana ey meesha ka fii wataan.
Dadka deegaanka ku dhaqan waxaa ey mar walba ka codsadeen dowlada in ey ciidamadooda xeroyin u sameyso oo ey dariiqa ka leexiyaan si ey u yaraato dhaca iyo boobka ey ku hayaan dadka, laakiin dhinaca dowlada weli dhag jalaq uma siin codsigaas asiga ah, taasi oo aan dhihi karno wexey raali uga yihiin in dadka sidaa loo dhibo eyna harsan waayaan.
Daafeet.Com