Maxkamada gobolka banaadir oo xukun kala duwan ku ridey eedeysanayaal

0
93

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Dr. Xaashi Cilmi Nuur ayaa sheegay in lex iyo toban qof oo eedeysanayaal ah la hor keenay maxkamadda, kuwaas oo afar ka tirsan oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta kufsi lagu xukumay shan sano, halka labada qof ee kale oo ku eedeysnaa xatooyo lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan labo milyan oo shilin Soomaali ah.

Dr. Xaashi Cilmi Nuur ayaa sheegay in toban qof oo kale dib loo dhigay dacwadahooda kaddib markii ay maxkamadda soo xaadiri waayeen dadkii markhaatiga ahaa ee ku caddayn lahaa dambiyada loo hasto.

Guddoomiyaha maxkamadda ayaa ku amray ciidanka booliska in ay eedeysanaasha kale soo baaraan dacwadaha loo haysto

Si kastaba arintu ha ahatee xukunkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyey oo ey maxkamadu sameyso tan iyo kolkii la doortey maddaxwenaha cusub ayagoo kolkii horaba balan qaadey in ey amaanka wax ka bedeli doonaan.

Daafeet.Com