Wasiirka gaashaandhiga oo sheegey in dib u habeyn lagu sameyn doono ciidamada

0
41

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay dib u habeyn ku sameyn doonto ciidamada xoogga dalka, isagoo sheegay in la xoojin doono dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab.

Mudane Fiqi wuxuu sheegay inay muhiimadda koowaad siinayaa sidii ay dib u habeyn ugu sameyn lahaayeen ciidamada milateriga Soomaaliya, taasoo ay qayb ka tahay sidii ciidamadu ay u heli lahaayeen xuquuqdooda oo ay ka mid tahay mushaar, taakuleyn joogto ah iyo dib u dhis.

Wasiirku wuxuu ugu baaqay dagaalyahannada Al-shabaab inay joojiyaan dagaallada ay wadaan ayna ka mid noqdaan shacabka, isagoo xusay in haddii ay fursaddan ka faa’iideysan waayaan inay ciqaab adag la kulmi doonaan.

Si kastaba arintu ha ahaatee wasiirkan ayaan aheyn mid ku cusub jegada ha loo dhiibey ee ah wasiirka gashaandhiga waxaa uu hada ka hor mudo kooban ka ahaa wasiirka gaashaandhiga dowladii farmaajo.

 

Daafeet.Com