Dowlada mareykanka ayaa Arbacadii shalay liiska argagixisada ku dartay Cumar Xamaami oo la baxay Abuu Mansuur Al-Ameeriki oo sanadihii la soo dhaafay ka barbar dagaallamayay maleeshiyaadka Al-Shabaab ee dagaallada ka wada dalkeenna Soomaaliya.
Xamaami ayaa noqonaya shaqsiga 31 aad ee ay Mareykanku doonayaan, kaas oo ka tirsan kooxaha argagixisada ah, waxaana warbixin la soo dhigay bogga FBI-da Mareykanka lagu sheegay in Xamaami uu dad badan oo Mareykan ah ama ku nool dalalka ku hadla luqadda Ingiriiska uu ka dhaadhiciyay inay ku soo biiraan kooxaha argagixisada ah ee dagaallada ka wada caalamka.
Hadal uu dhawaan Internetka ku faafiyay ayuu Cumar Xamaami oo ku sugan Soomaaliya ku sheegay inuu u xiisay gobolkii uu ka yimid ee Al-Abama, isagoo sidoo kale hadal uu baahiyay bilowgii sanadkan ku sheegay in noloshiisu ay halis ku jirto.
Daafeet.Com