Guddoomiyaha Ururka Al-Shabaab ee Gobalka Shabeelaha Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdala oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay inuu ka digayo in shacabka Soomaaliyeed ay qaataan gaadiidka muraayadaha madoow leh.
Wuxuu sheegay in wadada isku xirta Afgooye iyo Shalaambood shacabka isticmaala looga baahan yahay inaysan halkaasi ku kaxeysan gaadiidka leh muraayadaha madoow si aysan ugu qaldamin Al-Shabaab.
Abuu Cabdala ayaa sheegay in sababta shacabka Soomaaliyed ay uga digayaan inaysan baabuurtooda muraayadaha madoow ka dhigan ay tahay in lagu qaldi karo gaadiidka ay wataan masuuliyinta Dowladda ee Gobalkaasi taasina ay dhibaato ku keeni karto shacabka Soomaaliyeed.
Fariinta Guddoomiyaha Shabaab ugu magacaaban Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sidoo kale wuxuu ku sheegay in shacabka isticmaala wadada iskuxirta Muqdisho iyo Afgooyana laga doonayo inaysan gaadiidkooda muraayadaha madoow ka dhigan.
Si kastaba arintu ha ahaatee alshabaab ayaan xoogiii hore ku leheyn goboka shabeelaha hoose meelaha ey hada carabaabayaana waa meelo ey carabaabayaana ma ah meelo ey awood ku leeyihiin laakiin mar mar ayey ka geystaan dagaalo ku dhufo ka dhaqaaq ah.
Daafeet.Com