Maxamed Cumar Xabeeb oo maanta ku geeryoodey magalada muqdisho

0
120

Guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo duqii Muqdisho, Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa maanta xanuun awgiis ugu geeriyooday Muqdisho xilli la doonayay in arrimo caafimaad dalka dibaddiisa loogu qaado.

Duqii Muqdisho ayaa xanuun awgiis u yaallay maalmihii lasoo dhaafay isbitaal ku yaalla Xalane oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM, iyadoo isla maanta lagu aasi doono Muqdisho.

Maxamed Dheere ayaa wuxuu soo noqday guddoomiyihii gobolka Shabeellada dhexe iyadoo lagu xusuusto inuu ahaa hoggaamiyihii dowladdii lagu soo dhisay dalka Kenya kusoo dhaweeyay Jowhar, halkaasoo ay ku shaqeynaysay muddo sannad ka badan.

Dhanka kale, Maxamed Dheere waxaa lagu xusuustaa inuu ahaa shaqsi inta badan eedeyn jiray mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir, wuxuuna tan iyo markii laga qaaday xilka maamulka gobolka Banaadir uu ku noolaa magaalada Muqdisho.

Daafeet.Com